Akhriso:-Askari Qof Shacab Ah Ku Diley Baladweyne

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in askari ka tirsan ciidanka Booliiska ee magaaladaasi uu diley darawal kaxeeynayey Mooto Bajaaj.

Waxaa la sheegay in muran uu soo kala dhexgalay askariga iyo darawalkan, sidaasina uu dilka ku dhacay.

Dadweyne badan oo falkan ka carreysan ayaa waxa ay dibadbax xooggan ka bilaabaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi, iyadoo lasoo sheegayo inuu hakad galay isku socodkii gaadiidka ee magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan Booliiska Baladweyne ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan askarigii dilkaasi ka dambeeyey.