TOP NEWS:- Saraakiil horey uga tirsanaa Xukumadii Cabdi Ileey oo baxsaday.

0

Wararka Jigjiga inaga soo gaaraya aya waxa ay sheegayan in saraakil ka tirsan Xukumadi hore ee DDSI ay u baxsadeen magaalada hargeysa ee maamulka Gooni isu-taaga Somaliland.

magaalada jigjiga aya shalay galab waxa ka baxay labo Baabur oo ay saarnayen Kornayl Mustafa Sanyare oo ahaa ninka Borotokoolka u qaabilsanaa Madaxweynihi hore ee DDSI Cabdi maxamuud cumar sido kale Korneyl mustafe sanyare aya islamarkaana ahaa ninka Xukuma dhammaan ciidamada fadhiya baraha-kontoroolada ee Baabuurta lagu baaro sido kale Mukhtaar Sh Maxamed Suubbane Madaxa gaadiidka iyo Lataliyaha dhinaca Amniga ee Cabdi maxamad cumar labadas sargaal waxa ay shalay galab (August 25/2018/) ay gaareen magaalada Tog-wajaale oo xigta dhinaca somaliand waxayna u sii gudbeen magaalada Hargeysa

Korneyl mustafe sanyare iyo mukhtaar sh maxamuud suubane waxay jigjiga ilaa Tog-wajaale ku safreen baabuur ay leeyihiin, kadibna markay gaadheen Tog-wajaale ayaa Baabuurkii oo madhan xagga Jigjiga loosoo celiyey.

Maamulka Gooni isu-taaaga somaliland wali kama aysan hadal saraakisha DDSI ee dhankooda u soo baxsaday, sido kale Saraakil jigjiga ka baxsata ugu ma horeyan labadan sargaal ee shalay Hargaysa gaaray, bishan August 1dedi waxa hargeysa gaaray wasiiro iyo agaasimeyal ka tirsana xukumadi hore ee DDSI.