Ra’isalwasaaraha itoobiya oo ka hadlay shidaalka ku jira dhulka soomaalida

0

Ra’isalwasaaraha Dalka Abiye Axmed oo shalay kulan la qaatay Dadka Soomaalida ah ee Ismaamulka Soomaalida ayaa mar kale waxaa uu ka hadlay hadalka muranka badan dhaliyay ee la xiriira saamiga Soomaalida ku yeelanayaan shidaalka laga helay dhulkooda.

Ra’isalwasaaraha oo Khudbadda uu u jeediyay Soomaalidii uu kulanka la qaatay ay socotay 15 Daqiiqo ayaa 10 Daqiiqo oo ka mid ah waxaa uu kaga hadlay shidaalka iyo muranka ka taagan.

Ra’isalwasaare Abiye ayaa sheegay in si qalad ah loo fasiray hadalkiisii hore ee ahaa in 5% shidaalkaas ay Soomaalida leeyihiin.

Waxaa uu sheegay in uusan sidaas ula jeedin ee uu ka waday in 5% ay leeyihiin dadka deggan degaanka Ceelasha laga helay iyo xoola dhaqatada kaliya ee aysan Soomaalida oo dhan  ahayn.

Abiye Axmed ayaa xusay in Dahabka laga helo dhulka Oromia ay wada manaafacaadsadaan dadka Itoobiya oo dhan shidaalka dhulka Soomaalidana sidaas oo kale laga doonayo.

Kulanka Ra’isalwasaaraha iyo Dadka Soomaalida ah waxaa ku wehliyay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Soomaalida Musatafe Maxamed Cumar iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Ismaamulka Soomaalida ahna Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka ah Axmed Shidde.