Howlgal Dad fara badan lagu soo qabtay oo laga sameeyay Degmo ka tirsan Gobolka Hiiraan

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dalka Jabuuti ee qeybta ka ah Nabad iaalinta midowga Afrika ee AMISOM ay Howlgal lagu Xaqiijinayo Amniga ay ka sameyeen Gudaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa waxa ay Howlgakaasi ka sameyeen Xaafadaha ay ka kooba tahay Degmadasi Jalalaqsi,waxaana la soo warinaya in Ciidamada ay Howlgalka ay ku soo qab qabteen dhalinyaro far badan ,iyadoona Baaritaano kadib ay intooda badana Ay Ciidamada sii deyeen Dhalinyaradasi.

Sikastaba ha ahaate Howlgalka ay Saakay Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Dalka Jabuuti ay ka sameyeen Degmada Jalalaqsi, ayaa waxa uu imaanaya xili Gelinkii dambe ee shalay Qarax Miino oo Khasaaro geystay Gudaha Degmada Jalalaqsi lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Dalka Jabuuti ee qeybta ka ah Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.