Dib u dayactir lagu bilaabay xarunta Otto Otto

0

Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo Burbur kasoo gaaray Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen 7 Bishii July ee Sanadkaan ayaa lagu bilaabay dayactir.

Xarumaha Wasaaraddaha ayaa hadda waxaa ka socon wax shaqo ah sidda ay sheegeen qaar ka mid ah Shaqaallaha Wasaaraddaha, maadaama tan iyo Markii qaraxyadu ka dhaceen aan la dhisin.

49 Cisho ayaa laga jooggaa Markii uu weerarkaasi dhacay, Waxaa xaruntaasi ka muuqday maalmihii lasoo dhaafay burbur xooggan.

Shaqaalaha Wasaaradda arrimaha gudaha qaarkood, ayaa waxa ay inoo sheegeen inaysan shaqeyn, balse uu jiray qorshe ah inay ku shaqeeyaan Hotelo, taasi xittaa ay suurageli wayday, sababo ku aadan dhanka ammaanka, kadib isbuuc lagu shaqeeyay Hotel Magaalada ku yaalla, kadibna ay sii socon wayday, islamarkaana la go’aansaday in dib loo dhiso xarunta Otto Otto.