DHAGEYSO:-Wasiir Maareeye Oo Ka Hadlay Sababta Loo Dhisi La’ Yahay Warshadihii Dalka

0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Ayaa Waxa Uu ka Hadlay Arrimo Badan Oo La Xariira Ganacsiga Soomaaliya Iyo Dib U Dhiska Warshadaha Dalka.

Wasiir Maareeye Waxa Uu Tilmaamay In Wasaaraddiisu Ay Waddo Qorshayaal Ku Aadan Sidii Dib U Habeyn Loogu Sameyn Lahaa Warshadaha Dalka Uu lahaan Jiray Iyo Kuwa Gaarka Loo Leeyahay Intaba.

Maxamed Cabdi Cayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya  Ayaa Mar Uu Ka Hadlay Warshadihii Dalka Sababta Dib U Habeyn Loogu Sameen La Yahay Ayaa Waxa Uu Sheegay In Aysan Fududeyn Qaabka Dib U Habeynta Loogu Sameynayo Warshadahaas.

Waxa Uu Tilmaamay In Caqabadaha Hor Taagan Ay Kow Ka Tahay Amni-darrada Ka Jirta Dalka Soomaaliya Waxa kale Oo Uu Xusay In dawladda Aysan Waqtigaan Laheyn Awood Dhaqaale Oo Lagu Dhiso Warshadahaasi.