DHAGEYSO:-Shir Looga Hadlayo Arrimaha Dastuurka Oo Maanta Ka Furmaya Cadaado

0

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka furmo shir ballaaran oo looga hadlayo arrimaha dastuurka.

Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeybgalaya wasaaradda dastuurka maamulkaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa inta shirkan uu socdo looga hadli doonaa arrimo ku aadan dib u habeynta Dastuurka, waana shir la tashi ah.