Akhriso:-42 Qof oo ku dhintay xajka

0

Ugu yaraa 42; Xaaji oo Reer Pakistan ah ayaa ku dhintay Xajka Sanadkan sidaay shaacisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Dalka Pakistan.

Dhimashada Xujeyda Reer Pakistan ayaa ka dhalatay shilal kala duwan oo ka dhacay Xajka iyo kuwa qaar oo neef qabatimay sida ay sheegtay Dowladda.

Dadka dhintay ayaa kala ah 30 Rag ah iyo 12 Haween ah,waxaana ay da’dooda u dhaxeysaa 40 ilaa 80 jir.

Dalka Pakistan waxaa Sanadkan ka xajiyay  184,210 oo Xaaji,kuwaas oo ku baxay mashaarciida ay dowladda bixisay iyo kuwa si gaar ah ku baxayba.

Dhinaca kale Nin Carab Muslim ah ayaa shalay ku dhintay Xajka kaddib markii uu iska tuuray Saqafka sare ee Masaajidka Nabiga.

Ahmad bin Muhammad Al-Mansouri, oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Sucuudiga qeybta Xajka ayaa sheegay in Ninkaasi uu geeriyooday,halka uu ku dhacayna ay ku dhaawacmeen labo Xaaji oo ay hadda xaaladdooda deggantahay.

Al Mansuuri ma sheegin Magaca Ninka ku kacay isdilka,hayeeshee waxaa lagu sheegay Nin Carab ah,dhamaadkii todobaadkii hore ayey ahayd markii Labo Xujey Soomaali ah ku dhinteen Mina isbuurasho ka dhacday.

Bishii June ee la soo dhaafay labo Nin oo u kala dhashay Dalalka Bangaladesh iyo France ayaa ku kacay fal isdil ah markii ay iska tuureen saqafka sare ee Masaajidka