SAWIRO:- Wafdi Hogaamiye Axmed madoobe Hordhac u ah oo gaaray Garbahaarey

0

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo waxa Maanta gaarey wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ee Jubbaland Dr. Aadan Ibraahim Aw-Xersi.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweyn u sameeyey Mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magalada Garbahaareey.

Xarunta Maamulka degmada ayaa haatan la geeyey halkaas oo la filayo in ay kulan kula qaataan mas’uuliyiinta Maamulka iyo waxgaradka degmadaasi Garbahaareey ku nool.

Wafdiga ayaa Warar aan helnay waxa ay sheegayaan in ay hordhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) oo la ilayo in uu booqdo degmadaas.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayeen in markii wafdiga ay tageen degmada Garbahaaareey ay la kulmeen banaanbax looga soo horjeeday Axmed Madoobe oo ka socday degmada Garbahaareey.