DHAGEYSO:-Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Oo Sheegay In La La’yahay Midabka Saxda Ah Ee Calanka Soomaaliya

0

Warkaan waxaa sheegay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,waxa uuna sheegay in hadda baadi goob lagu haayo midabka saxda ah ee Calanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Xarumaha Dowladda,xilliyada shirarka laga qeyb galayo iyo meel kasta markii la tago lagu arkayo Calanka soomaaliya oo midabadiisu ay kala duwan yihiin.

“Xaqiiqdii hadda majirto cid isticmaasha midabka saxda ah ee Calanka Soomaaliya,waayo waxaan arkaa markii shirar Caalami ah laga qeyb galayo ama munaasabado dalka ay ka dhacayaan in lala tago Calanka Soomaaliya oo midabkiisa midna cadeys yahay midna buluug tiq ah uu yahay ayuu yiri Wasiir Maareeye