FAALLO:- XAD GUDUBKA KA JIRA XAFIISYADA DOWLADDA.

0

Maxaa dambi la iska gelayaa!

Ilaahow raalli kama ahi kamana ahaan doono!

Madaxda qaranku dib ha uga joogsadeen dhibkaan iyo xadgudubkaan!

Waa caadi in hay’adaha dowladda dhexdooda xadgudubyo ka dhacaan Soomaaliya gudaheeda, waxaana saldhig u ah inaan la ilaalin shuruucda dalka.

Waa wax aan la qaadan karin markay dhacdo in muwaadinkii mudnaa in lagu abaal mariyo khatarta uu u qaatay dowladnimada;

-Xilli laga wada baqay, xilli laga kala cararay mid dibad joog ah iyo mid dalka joogaba, xilli ay dhalanteed aheyd in dowladnimo dib loo dhidbi karo.

-Inay maanta shaqaalihii soo adkeystay u ciqaaban yihiin dhibkii ay soo mareen waqti dheer iyo u dhabar adeygii dowladnimo doonka.

Waxaa la caadeystay in la aflagaadeeyo iyadoo la isticmaalayo ereyada ugu fool xun sida;

-Waddanka ayey culeys ku yihiin,
-Xafiisyada ayey buux dhaafiyeen,
-Waa tuugo,
-Waa jaahiliin, iwm.

Xaashaa lillaahi Waxaan leeyahay!

-Dowladnimada culeys kuma ahan oo iyagaa saldhig u ahaa!

-Xafiiyada shaqaalihii hore ma buux dhaafin oo xilli loo baahnaa oo laga kala cararay ayey shaqo galeen ee waxaa buux dhaafiyey dadka lagu baddelayo iyaga oo gadaal laga keenay ama laga keenayo!.

-Tuugo maahan oo maba aysan arag waxay xadaan, bal xaquuqdoodii oo maqan ayey adkeysteen oo shaqeeyeen oo ku sabreen!.

-Jaahiliin maahan oo jaahil dowladnimo ma doono, kan hadda aagaadeynayaa markuu daneystay oo ama dibadda u cararay ama shisheeye shaqo ka doontay ayey dowladnimo soo doonteen!.

Waxaa taas ka sii yaab badan in loo ciqaabo oo ay xuquuqahooda aasaasiga ah ku waayaan habdhaqankaas sida;

1-In iyagoo jooga shaqadooda dad kale loo dhiibto, waa arrin ku badan xafiisyada wasaaradaha waana sharci darro loo bareero oo hadda la sharciyeystayba in mas’uulku la yimaado dadkii u shaqeyn lahaa iskana hilmaamo Soomaalidii uu ugu yimid meesha

2-In xafiiska laga saaro oo shaqadii loo dhiibto qof qaraabo la ah masuulka xafiiska yimid oo aan xitaa sharci qabanayaa jirin hadduu wax kharribo illeen maba sharciyeysnee,

3-In la yiraahdo waxaan ku celinay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo buul ayaan ka dhignay.

Ogow intaas oo dhib ah waxaa marinayaa waa:

1-Mas’uul dowladnimada hadda soo raacay oo ama dibadda ka yimid ama shaqo kale oo uu haystay ka soo shaqo tagay.

2-Qof qaraabo ama saaxiib la ah mas’uulka xafiiska loo dhiibay oo danta ugu weyn ee laga leeyahay tahay in sirta la qarinayo lagu qarsado. Maba la qariyo oo waxaa toos loo dhihaa ma aamini karno shaqaalihii hore. Muwaadinkii u saldhigay haddaan la aaminin yaa la aamini?.

Cajiib!

Kee mudan in la aamino:

1-Kan loo soo dhaawacay inuu dowladda u shaqeeyo, la soo handaday,

2-Kan lagu soo weeraray goobta shaqada isagoo shaqeynaya.

3-Kan la dilay saaxiibkii xafiiska la fadhiyey,

4-Kan qoyskiisa loo dhibaateeyey inuu dowladda u shaqeeyo,

5-Kan Xuquuq la’aan iyo mushahar la’aan shaqeynayey sanado badan oo wali leh deyntiisii mushahar,

6-Kan go’aansaday dowladnimo maqan inuu wax ka baadi goobo.

Mise

1-Kan hadda oo dowladnimadu cagadhigatay u soo guryo noqday siduu u wareegayey duni kale,

2-Kan shaqadii uu haystay uga soo tegey inuu shaqo ama xil muhiim ah ka qaato dowladda,

3-Kan qaraabanimada ku yimid oo mas’uul cidooda ah ama saaxiibkii ah soo raacay ama loogu yeeray kaalay wada shaqeysannee.

-Labada kee dalka daacad u noqon kara, dalka kii usoo silcay oo usoo adkeystay dhibkii jiray iyo kan dowladnimadaas lagu soo dhintay, loo soo adkeystay xuquuq la’aan, la isu soo dhaawacay oo saldhigatay u soo doontay xil haddii waqtiga shaqadu ka dhamaado iska tegeya?.

-Labada kee daacad u noqonaya, kan haysta dhalasho kale ama shaqo kale oo hadduu cabsi dareemo cararaya iyo kan ay noloshu ka gashay inuu dowladnimo helo oo aan meelna u socon?.

-Maxay tahay dowladnimada aan dhidbeynaa haddii kii godka ugu galay oo kala soo baxay loo ciqaabayo shaqaduu u soo qaatay khatar kasta lagana riixanayo hadda iyadoo awoodaha dowliga ah la isticmaalayo?

-Maxay tahay caddaalada aan ka shaqeynayno iyo wanaagga laga sugayo shaqada kii sharcigu siiyey si sharci darro ah looga faramaroojiyey iyadoo reeraysan ama daneysan oo loo dhiibay mid aan xeer qabanayaaba jirin soona marin dhibka dad ka soo mareen?

4-Maxay tahay kalsoonida shaqo ee laga sugayo
Shaqaale mudnaa abaal marin iyo mahadnaq oo maalin walba la handadyo ama laga riixanyo shaqadiisa sharcigu siiyey uuna u soo dhabar adeygay?

5-Caddaaladu ma u isticmaalidda shaqada hay’adaha dowladda oo ummada ka dhexeysa in muwaadinkii u soo dhabar adeygay kii maanta yimid ku ihaaneeyo ama ka riixdaa?

Maxaa khaldan?

Talo soojeedin:

Waxaan kula talinayaa madaxda qaranka:

1-In laga joojiyo hay’adaha dowladd garab riixa iyo cadaadiska aan loo meel dayin ee la saarayo shaqaalihii hore ee xilliga adag ka soo saaray dowladnimada maanta la isku buuranayo awalna laga kala cararayey.

2-In shaqaalaha marka la kala baddelayo loo maro hab sharci ah oo waafaqsan xeerka shaqaalaha rayidka ah(xeer#11) iyo xeerarka kale ee dalka oo siinaya xuquuq aasaasi ah. Madaxdu ha ogaato qofka dhulka xaaqaya iyo mas’uulka ugu sarreeyaa waa u siman yihiin xuquuqaha iyo lahaanshaha hay’adda dowladda, waxaa lagu kala soocmaa waa shaqada la qabanayo oo kaliya iyo xilalka la hayo kaliya. Qof aan sharci saarin oo muwaadin Soomaaliyeed ahi ma bixi karo. Ogow muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka shaqeeyo xafiiskii uu nasiibkiisu galo isna ku qanacsan yahay, muhiim maaha inaan reerkoodu mas’uul ka aheyn.

3-In muwaadinku helo waxa uu mudnaan u leeyahay iyadoo loo marayo hababka wax lagu abaalmariyo ee aysan dhicin halkuu dhiirrigelin ka sugayey in la niyad jebiyo.

4-In muwaadinka tayadiisa aqooneed hooseyso halkii uu aflagaado iyo ciqaab ku mudan lahaa helo hab tayadiisa sare loogu qaado. Meeye iskuuladii tababarka shaqaalaha?

5- Waa in aan xuquuqdiisa lagu dhaafin iyadoo loogu gabbanayo heerkiisa aqooneed, is aaminaadda, in tiradu badan tahay IWM.

6-Arrinta soo noqnoqota ee sheegaysa shaqaale buuxdhaafay xafiisyada dowladda waxaa xaq u yeelanaya inay baxaan kuwii buuxdhaafa keenay oo gadaal ka yimid ee kuwii eber ka soo bilaabay xaq uma laha in loo ciqaabo tiraa badan.

7-Hadday dhab tahay arrinta tirada badnaantu, waa inay u kala hor baxaan siday u kala dambeeyeen oo kii ugu dambeeyey ugu hor baxaa.

8-Hadday dhab tahay arrinta tira badnaantu waa inaan meeshii laga saaray qofkii ku soo dhabar jabay qof qaraabanimo iyo saaxiibtinimo lagu keenay lagu baddelin.

9- Xagga shaqada waa in la joojiyaa dadka aan sharciyeysaneyn oo shaqada dowladda faraha loo gelianyo shaqaalihii hayey oo sharci ah joogana laga riixayo oo loo dhiibanayo iyadoo dano kooban laga fekerayo. Waa dhab arrintaan waa ku xooggan tahay xafiisyada dowladda.

10-In degdeg loo abuuro Maxkamadda Shaqaalaha (libor court) si isla xisaabtan laba dhinacle ah loo helo oo loo hubiyo xuquuqaha iyo waajibaadka.

11-Ugu dambeyn waxaan xasuusinayaa madaxda dalka in cid kasta oo lagu xadgudbaa careysan tahay, waxa ka dhalan kara qof careysan waa la garan karaa, si looga taxadaro dhibaato ka abuuranta hay’adaha gudahooda waa muhiim in si sax ah loo eegaa xaaladda shaqada iyo shaqaalaha dowladda.

12-Waa in la diraa auditing eega:

(A) Habka shaqada iyo shaqaalaha hayaa kuwii lahaa inay yihiin iyo inkale.

(B) Xiriirka aqooneed ee shaqaalaha haya shaqada iyo shaqada laga rabo (professionalism).

(C) Xuquuqaha shaqaalaha ee aasaasiga ah sida dallacaadaha, gunnooyinka IWM.

Ilaahay qalbigaaga ha ku xasiliyo inaad difaaca xuquuqaha ka qeyb qaadato!

Waxaan rajeynayaa tillaabo sharciga waafaqsan in laga qaado arrimaha aan kaga hadlay qormadaan oo dhan.

Guuleyso

W/Q: Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan