DEG DEG:- Rag Hubaysan oo Muqdisho ku dilay labo Ruux

0

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay goor dhow halkaasi ku dileen labo ruux.

Koox dhalinyaro ah oo Bastoolado ku hubeysan ayaa toogatay labo ruux oo rag ah oo dhalinyaro ah sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Meydadka labada ruux ayaa goobta yaalla, iyadoo halkaasi ay soo gaareen ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya

Howlgallo ayaa ka socda goobta uu dilku ka dhacay sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka.