Qarax Ka Dhacay Deegaanka Lafoole Oo Khasaaro Xoogan Geystay

0

Sida ay inoo Xaqiijiyeen dad deegaanka Lafoole kusugan waxay sheegeen in Qarax uu ka dhacay Lafoole iyo Jaamacada Beeraha Meel udhaxeysa.

Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka la geliyey waxaana gaari nuuca raaxada ah uu haleelay oo geystay Khasaaro kala duwan.

Gaariga la beegsaday waxaa la socday Afar Qof oo Labo ay Geeriyoodeen labana ay Dhaawacmeen.

Ilo muhiim ah oo Laamaha Amniga katirsan waxay sheegeen in Sargaal lagu magacaabi jiray Shabcaan uu qaraxa ku dhintay iyo Seedigiis,iyadoo Hooyadiis iyo walaalkiis ay dhaawacmeen.

Ma jirto cid sheegatay Weerarkaasi,balse Al Shabaab ayaa qaraxyo hore uga dhacay Wadada xiriirisa Afgooye ilaa Muqdisho dhabarka saartay.

WAR DEG DEG AH:- Taliyaha cusub NISA ee Jubbaland iyo ku xigeenkiisa oo gudaha u galay magaalada Kismaayo.