Akhriso:-Madaxweyne Gaas Oo Si Ku Meel Gaar Ah U Magacaabay Gudoomiye Iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Degmada Badhan.

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 20 August 2018 si ku meel gaar ah ugu magacaabay Gudoomiyaha Iyo Ku-Xigeenka Gudoomiyaha Degmada Badhan.

 

Xeer Madaxweyne Lr. 107 August 20, 2018, kuna saabsan magacaabid Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku-Xigeen ku meel gaarka ah Ee Degmada Badhan.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntlnad.

 

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntlnad.

 

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Badhan.

 

Markuu qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose Iyo Harumarinta Reer Miyiga.

 

Waxuu xeeriyey:

 

1. Waxaa Cabdirisaaq Axmed Ciise si ku meel gaar ah loogu magacaabay Gudoomiyaha Degmada Badhan.

 

2. Waxaa Saynab Cabdi Aar si ku meel gaar ah loogu magacaabay Ku-Xigeenka Gudoomiyaha Degmada Badhan.