Dowlada oo laga dalbaday in wax ka qabato dhibaatada Kenya ay ku heyso Shirkada Hormuud

0

Maanta oo Taariikhdu tahay 19.08.2018 Kulan ay isugu yimaadeen Aqoonyahanno, Haween Culumaa’udiin , Dhalinyaro iyo qeybaha kale ee Bulshada ayaa Warsxaafadeed ka soo saaray dhibaatada Ciidamada Kenya ay muddooyinkii dambe ka geysanayeen Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kulan ballaaran oo maanta ay ku yeesheen Muqdisho dhinacyadaasi aan kor ku soo xusnay ayaa waxa ay ka soo saareen qodobada hoos ku xusan.

1:-Waxaan cambareyneynaa falalka guracan ee ay dowladda Kenya ka wado Gobollada  Jubooyinka iyo Gedo ee Somalia  oo isugu jira baabi’inta Naf iyo Maalba.

2: waxaan baaq u jeedineeynaa Ururka Midowga Africa  in uu ka fiirsado dib u eegisna ku sameeyo ka mid ahaanshaha Ciidamada Kenya ee  jooga Somalia Howlgalka AMISOM.

  1. Ururka Midowga Europe iyo Dowladaha ku bixiya dhaqaalaha Ciidamada Kenya in ay dib u eegis ku sameeyaan waxa ay wax ku bixinayaan oo aan dhaqaalahooda loo adeegsan baa b’ inta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

4: Sidoo kale waxaan baaq u jeedineynaa  2-da Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya in ay u yeeraan Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiint ayna wax ka weydiiyaan baabi’inta Ciidamada Kenya ay ku hayaan shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

5: waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Soomaaliyeed waxa ay wado Kenya in ay ka qaataan go’aan geesinimo leh oo aysan Indhaha ka qarsan waxa foosha xun ee wuxuushnimada ah.

6: waxaan Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa si dadka iyo dalka Soomaaliyeed loo samata bixiyo ay garab istaagaan Dowladda  Soomaaliyeed si Umadda Soomaaliyeed u gaarto ku noolaasho Cissi iyo sharaf.

Sidoo kalle shabka soomaalieed dibad iyo gudaba hajoo gaan waxaan ugu baaqeynaa in ay gacmaha is wada qabsadaan

WA BILLAHI TOWFIIQ