AKHRISO:- QM oo Ciidamo Geynaysa Dhulka La Haysto ee Falastiin

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Qaramada Midoobey ay Ciidan geyso dhulka Falastiin ee ay heysato Israaiil.

Antonio Guterres, ayaa tilmaamay in ay ahayd in dadka Falastiiniyiinta si wanaagsan loo ilaaliyo oo loo difaaco iyada oo loo sii marayo waxa uu ku tilmaamay joogitaan xooggan oo ay Qaramada Midoobay ka muuqato dhulka ay Israa’iil haysato.

Xoghayaha guud ee Qamada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee ku nool dhulka ay xoogga ku heysato Israa’il ay soo wajahday caqabado culus oo ay ka mid yihiin milatariga mudada dheer dul degan, halis amni oo joogta ah, hay’addaha dowliga oo liita iyo wadahadaladii nabada oo gebi ahaanba istaagay.

Mr Guterres ayaa soo jeediyay dhowr hindise warbixin ay soo jeediyeen golaha guud Qaramada Midoobay taasi oo qayb ka ahayd qaraar la soo saaray bishii June oo Isra’iil ku cambaareynayay in ay awood xad dhaf ah u adeegsatay dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta.

Xoghaya guud Qamada Mdidoobay ayaa soo jeediyay in la geeyo dhulka Falastiin ciidamo hubeysan oo hoos imaanaya mas’uuliyada Qaramada Midoobay.