Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay doorashadda Imran Khan

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Pakistaan Imran Khan.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Pakistaan, islamarkaana ay u shaqeyn doonaan si wadajir ah.

“Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Pakistani  Imran Khan  guushiis maanta,Pakistan waa dal  dimoqraadii ah oo fulin kara kartida weyn ee faa’iidada dadka. Soomaaliya waxay si dhow ula shaqeyn doontaa dowladda Pakistan dhammaan dhinacyada kala duwan ee wax is dhaafsiga leh”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Imran Khan ayaa hogaamin jiray kooxda Kiriket (cricket) ah oo dalkiisa u ciyaareysay ciyaarihii Adduunka sanadii 1992, wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu dadaal ugu jiray sidii uu siyaasadda ugu biiri lahaa, waxa uuna 1996 ku biiray siyaaasadda.