DHAGEYSO:- Puntland oo Fariisimo ka qabsatay Alshabaabta Galgala

0

Ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay deegaamo dhowr ah oo hoosyimaada deegaanka Af-urur oo dhowaan lagu arkay malayshiyaad katirsan kooxda Alshabaab oo ciidanku ku raacdaystaan buuraleeyda Cal-madaw.

Siciid Maxamed Diiriye (Siciid Maaneed) oo katirsan saraakiisha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ee ku sugan buuraleeyda Cal-madaw gaar ahaan Af-urur ayaa Warbaahinta uga warbixiyey howlgallaadii ugu dambeeyey ee ciidanku sameeyeen iyo qabsashada Af-urur iyo deegaanka Marraaja.