Ciidamo Mareykan ah iyo Kuwa Soomaali ah oo Lagu Weeraray Sh-Hoose

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay jidka u galeen Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Mareykan oo ka amba-baxay degmada Afgooye ee Gobolkaas.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay meel u dhow tuulada Muuri waxayna kolonyadda ay kasoo baxeyn Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxayna kusii jeedeen deegaanka Shalanbood.

Weerarkaan ayaa lagu gubay gaari booyad ah oo kamid ahaa kolonyada, sidoo kalana khasaare kala duwana lagu gaarsiiyey ciidamadii la socday, sida lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab.

Sidoo kale weeraro kale oo jid gal ahaa ayaa ka dhacay meel u dhow lambar lixdan iyo deegaanka Ceel-wareegow ee gobolka Shabeelaha hoose.