AKHRISO:- Maxaa kalasocota Hantida lagu dhacay DDSI intay rabshaduhu socdeen

0

Wararka ka imaanaya magaalada jigjiga ayaa sheegaya in hantidii lagu kala qaaday muddadii ay shaqaaqooyinku halkaa ka socdeen iminka la isku celiyey.

Sida ay BBC u sheegeen dadka deegaanka, ilaa 190 gaari oo isugu jira noocyo kala duwan ayey dib u soo celiyeen dadkii qaaday, ka dib markii ay sidaa ka dalbadeen culumada iyo odayaasha dhaqanka.

Waxaa jira iyaguna gaadiid aan badnayn oo dadkii qaaday ay uga tageen xadadka ay dawlad deegaannadu iska galaan, kuwaasoo laga codsaday milateriga federaalka inay gacan ka gaystaan sidii dib loogu soo celin lahaa.

Saraakiil Jigjiga joogta ayaa iyaguna sheegay in lacago caddaan ah (kaash ah) dib loogu celiyey bankiyada, kuwaasoo la boobay intii ay rabshaduhu socdeen.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday olole ay wadeen culumaa’udiinka iyo odayaasha dhaqanka ee Soomaalida oo gacan ka helayey cuqaasha qowmiyadaha kale, waxaana laga shaqaynayey in la isku celiyo wixii hanti ah ee la kala qaaday.

Hantidan ayaa la kala qaaday horraantii bishan, ka dib markii uu iska hor imaad dhex maray qaar ka mid ah dadka magaalada Jigjiga iyo askar ka tirsan milateriga, ayadoo rabshadahaas ay markii dambe isu beddeleen kuwo la xakamayn waayey, saamaynna ay ku yeesheen deegaannada kale ee bariga Itoobiya.

Rabshadahaas ayaa aakhiritaankii keenay inuu xilka ka dego madaxweynihii DDSI Cabdi Maxamuud Cumar.