DHAGEYSO:- Musharax Qurbaawi oo fariin u diray dhalinyaro Sanaag shir uga furmayo

0

Waxaa maalmahan lagu wadda Gobalka Sanaag in uu ka furmo shir balaaran oo ay so qaban qaabiyeen dhalinyaradda kaso jeeda gobalka Sanaag,kaas oo kamadax banaan arrinmaha siyaasada,isla markaana dhalintu uga hadlayso hormarinta Gobalka Sanaad.

Musharax Siciid Cali Axmed Qurbaawi oo kamid ah Musharixiinta u tartamaysa qabashadda Kursiga Madaxtinimadda Puntland Sanadka 2019 oo Waraysi gaar ah siyeey Warbaahinta Caalamiga ah ee Allgalgaduud isago ku sugan dalka maraykanka ayaa wuxuu soo dhaweyaay shirka ka furmaya magaaladda Xingalool ee gobalka Sanaag.

Qurbaawi ayaa sheegay in shirkaas looga bahanyahay in qodobo wax ku ool ah ay kaso saaran dhalinyarada kasoo jeeda gobalka sanaag,isla markaana hormarka gobalkooda kashaqeyaan.