WAR DEG DEG AH:- Taliyaha cusub ee Nabad Sugidda Jubbaland Cali Mire Ducaale oo lagu xiray Garoonka magaalada Kismaayo.

0

Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Taliyaha cusub ee Nabad Sugidda Jubbaland ee dhawaan usoo magacoowday Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Mire Ducaalle in galabta markuu gaaray magaalada Kismaayo lagu xiray Garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Taliye Cali Mire Ducaalle waxa uu hada ku xiran yahay saldhig ku dhexyaalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, waxaana amarka xariga taliyaha bixiyay hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media