DHAGEYSO: Gudoomiye Cawad oo sheegay in Guddiga wada xaajoodka ay heysan sharciyad.

0

Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa wuxuu sheegay in aysan sharciyad heysan guddiga wada xaajoodka oo ku hawlan dib u eegista Dastuurka dalka.

Wuxuu sheegay Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad in guddiga aysan awood u laheyn inay soo diyaariyaan go’aan masiiri ah, maadaama aysan ku jirin Dumar, islamarkaana dhameystir badan uu u baahan yahay.

Dhinaca kale kale wuxuu sheegay guddigii ka shaqeynayay Doorashada iyo arrimaha Dastuurka in aysan sharciyad laheyn in ay tahay wax laga xumaado oo aan la qaadan Karin.

“Wax guddi aanan annaga dirsan oo aan xil saaran, waa sharci ma dhihi kareyno, guddiga wada xaajoodka sharciyad ma lahan oo ay awood ugu yeeshaan inay soo diyaariyaan go’aan masiiri ah, xaqiiqda hadii la sheego ma afkaa na gubanaya, Soomaali uma dhama guddigan”. Ayuu yiri Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad.

Isku soo wada duuboo Guddiga joogtada ee golaha shacabka ayaa shalay xarunta golaha shacabka kula kulmay xubno uu hogaaminaayay wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi, waxaana looga hadlay kulanka halka ay marayaan hanaanka dib u eegista Dastuurka.

HOOS KA DHAGEYSO