TOP NEWS:- Dagaal Beeleed ka dhacay Qaybo kamid ah Gobolka Mudug oo Waxgarad loo Xir Xiray

0

Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay Taagnayd xiisad colaadeed oo soo kala dhexgashay Beelo walaalo ah oo wadda dega deegaanka Kalabayr ee degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa qaybo kamid ah xiisadaasi xal laga gaaray.

Wafdi isugu jira Maamulka degmada,Culimadda,Nabadoonada iyo Maamulka gobolka Mudug ayaa ku guulaystay inay kala qaadaan ciidamadii labada maleeshiyo Beeleed waxaana sidoo kale wali socda dadaalo lagu joojinayo Coladaasi.

Maamulka gobolka Mudug ayaa deegaanka kalabayr kasoo xiray 10 Nabadoon kuwaasoo oo kasoo kala Jeeda Beelaha walaalaha ah ee dhawaan dagaalku ku dhexmaray degmada Bursaalax ee gobolka Mudug.

Xarigga Odayaasha ayaa yimid kadib markii la waydiiyey labada Beelood Gacan ku dhiiglayaashii ayna diideen inay soo wareejiyaan gacan ku dhiiglayaasha kadibna la xir xiray waxgaradkooda.