SAWIRRO:-Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Kaawo soo duntay Kismaayo

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay Kaawo kusoo duntay shaqaalle ka shaqeynaayay.

inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa dhimatay, waxaana sidoo kale dhaawacmay labo kale sidda ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Maamulka degmada Kismaayo ayaa gaaray goobta uu falkaasi ka dhacay, waxaana halkaasi ay kasoo qaadeen Labo ruux oo dhaawac ah.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Kaawadda ay kusoo duntay Shaqaallaha xilli ay ku howlanaayeen qodisteeda.