DHAGEYSO:-DFS Oo Go’aan Ka Qaadaneysa Sacuudiga Kadib Xoolihii Ay Soo Celisay

0

Dawlada Soomaaliya ayaa si kulul uga fal celisey soo celintii Xoolaha laga dhoofiyey Soomaaliye Ee Sacuudiga dib usoo celiyey Todobaadkii Hore.

Arintaan waxay niyad jab ku riday Xoolaleey Soomaaliyeed oo Macaash ka sugayey dhaqaalah looga iibsanayo Xoolahooda.

Dr C/qaadir C/raxmaan Shoole oo Ah Agaasimaha Waaxda Suuq geysta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa sheegay inaysan weli jirin sabab cad oo loo soo celiyey Xoolahaan oo tiro ahaan gaaraya 27,000 Neef.

Inkastoo Dawlada Sacuudigu ay Maanta shaacisey in Cudurka Rift Valley ay Qabeen Xoolahaasi hadana dawlada waxay ku andacooneysaa in Xoolaha Dalka ku nool aysan aheyn kuwo cudurkaasi qaba kol horena ay daaweeyeen.