AKHRISO:- Guddoomiyihii Wajaale oo la dhawacay

0

Maareeyaha maamulka ee degmada Tog-wajaale, qaybta Itoobiya ay maamusho, ahna ku xigeenka duqa magaalada, Axmed-Khadar Cabdi Cali ayaa ku eedeeyey Liyuu booliska inay xalay toogasho ku dhaawaceen.

Wuxuu sheegay in xilliga xabbadda lagu soo riday uu isku dayayey inuu ka hor istaago Liyuu booliska “inay qaataan gaari dabdamis ah oo magaaladu lahayd”.

Dhaawaca ayuu sheegay inuu madaxa ka gaaray, oo xabbaddu ay hilibka dhex martay, xaaladiisuna ay fiican tahay.

Wuxuu intaa ku daray in ay isla wakhtigaas u gurmanayeen qaylo dhaan uga timid xero ciidan oo loo sheegay in “dhallinyaro ay rabshado ka wadaan”.

“Dabdamiskii iyo alaab kaleba waa qaateen, qaarna dhaawacyo ayey gaarsiiyeen” ayuu yiri Axmed-Khadar.

Dhinaca kalena, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Balli-gubadle ee dhinaca Somaliland, Yaasiin Maxamed Shide, maamulkiisu wuxuu ilaalo u diray seddex goobood oo gobolka Hawd xiga oo ay fariisimo ku lahaayen ciidanka Liyuu Booliska.