DHAGEYSO:-Garsooreyaal xilka laga qaaday oo war cusub soo saaray

0

Wareegto shalay uu soo saarey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu xilka uga qaaday 5 ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamada Sare ee dalka,waxana xilka qaadistaas ka soo horjeestay mid ka mid ah garsoorayaasha ahna Guddoomiye ku xigeenka Maxkamada Sare.

Garsoorayaasha ayaa xilka laga qaaay waxyar ka hor markii  Wareysi ay siiyeen Dalsan Tv eedeyn kulul ay u jeediyeen Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleyman,iyaga oo xiligaas codsaday in xilka laga qaado balse ay iyaga xilkoodii ku waayeen.

Maxamed Maxamuud (Dr Luu) oo ahaa guddoomiye ku xigeenka Maxkamada Sare kana mid ahaa Garsooreyaashii xilka laga qaaday ayaa sharcidaro ku tilmaamey xilka qaadistaas uu ku sameeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay in sababta xilka looga qaadi karo ay tahay in marka hore hadii uu dembi galay ay baaritaano ku sameeyaan Guddiga Golaha Adeega balse xilligaan dalka uusan ka jirin guddigaas.

Hoos ka dhageyso codka