Xildhibaan Cabdiriisaq oo ka hadlay musuq lagu eedeeyay NISA [AKHIRIS]

0

Wasiirkii hore ee Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, Cabdirisaaq Maxamed ayaa waxuu ka hadlay qorsha amni iyo hogaanka Amaanka ee Dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa waxuu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo ka qaldan hogaanka Amniga Dalka Soomaaliya.

Mudane Cabdirisaaq Maxamed ayaa xusay in musuq maasuq uu ka dhexjiro Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo soo hadalkaasi ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxuu tilmaamay in hogaanka Nabad Sugida aysan u qaban sidii loo baahnaa in looga howlgallo sugida amaanka Dalka Soomaaliya.

Warbixin uu daabacay Wargeyska lagu magacaabo The Intelligence ayaa waxuu sheegay in musuq maasuq baahan uu ka dhex jiro Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya.

Hadalka Xildhibaanka ayaa waxuu imaanayaa iyadoo dhawaan la daabacay Warbixin ku aadan in Soomaaliya ay tahay Dal aan ciidan la heyn, iyadoo hadalkaasi laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay.