Golaha deegaanka Garowe oo Dhismahoodu Gaba Gabo Marayo

0

Iyadoo wasaarada Arimaha gudaha lagu amaray inay soo dhisto golaha deegaanka cusub ee magaalada Garowe ayaa waxaa socda diyaar Garowgii ugu danbeeyey ee dhismaha golaha deegaanka.

Odayaasha dhaqanka oo laga sugayey dhismaha iyo soo xulista gobolaha deegaanka Garowe ayaa sheegay inay ilaa hada meel saareen 22 kamid ah xubnaha golaha deegaanka u matalaya degmada Garowe ee caasumada Puntland.

Isuduwaha Wasaarada arimaha gudaha iyo wasiirka ku xigeenka wasaaradaasi ayaa ku Amaray Odayaasha inay soo dhamaystiraan xildhibaanada ka dhiman golaha deegaanka ee degmada Garowe.

Sidoo kale wasaarada ayaa ku mashquulsan dhismaha golayaasha deegaanka ee degmada Boosaaso kuwaasoo lagu waddo in lasoo dhamaystiro maalmaha Soo socda.