DHAGEYSO:- Wasiirka Warfaafinta Itoobiya oo ka hadlay Xaaladda Jigjiga

0

Wasiirka Warfaafinta Dalka Ethopia ninka lagu magacaabo Axmed Shido oo shir jaraidku qabtay maantay magaalada Adis Ababa ayaa ka hadlay isbadalka hogaanka Maamaulka DDSI Iyo rabshadihii u danbeeyay ee ka dhacay dhulka Soomali Ethopia kuwaas oo looga soo horeeday Ciidanka Milatriga dalkaas .

Axmed shido ayaa sheegay in Isbadalkaan uu qeyb ka yahay kan uu Horseedka ka yahay raiisal wasaraha Ethopia Aby Axmed laguna ilaalinayo Xuquuqda Isaanka waa sida uu hadalka u dhigaye .

Wasiirka warfaafinta Ethopia oo Hadalkiisa siiwata ayaa wuxuu ugu baaqay dadka ku dhaqan Maamulka DDSI Inay isdajiyaan lana shaqeeyaan Ciidamada Amnaka kana qeyb qaatana isbadalka socda .

Soomalida ku nool DDSI Ayaa waxaa sanadihii u danbeeyay oo dhan ay ka Cabanayeen Gacanta birta ah ee Madaxweynhii shalay is Casilay Cabdi Maxamuud Cmar iyo Talikiis Xayla Mraryam oo isna 4 Bilood k hor is Casilay .

Wasiirka ayaa dadka Halkaas ku nool ka Codsaday inay Nabad galyada dhowraan wuxuuna ka Tacsiyeeyay Dadkii ku dhinty rabshadihii ka dhacay Jig Jiga iyo magaalooyin kale oo DDSI Ah