DHAGEYSO:- Hantidhowraha Qaranka ” Waxbadanban ka qabanay Musuq Maasuqa”

0

Kulanka Sanadlaha ee Xafiiska Hantidhowraha guud ee qaranka oo lagu qabtay magaalada muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mus’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Senoter Cabdi Dhuxuloow Dhag-dheer oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Aqalka Sare, Xidhibaanad Sahra Cabdulqaadir oo Xubin katirsan Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Xildhibaan Guuleed Ceyduruus Cige oo hore uga soo shaqeeyay Xafiiska Hantidhowrka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cumar Faarax, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, Xoghayeyaasha Joogtada, Maxamed Cadceed Cali oo ah agaasimaha Daladda Bulshada Reyidka ee SOSCENSA iyo martishar kale oo lagu casuumay munaasibadda.

Handtidhowraha Guud ee qaranka oo horreyn ka hadlay kulanka ayaa sharaxay Qorshaha ay ku shaqeyndoonaan 3-dasano ee soo socota iyo waxyaabaha u qabsoomay mudadii sanadka ahedy ee uu xafiiska joogay.