DHAGEYSO:-Ciidmada Dowlada oo Dhalinyaro ku Rasaaseeyay Magaalada Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  Ciidamada dowladda oo rasaas khasaaro geystay ku furay  Dhalinyaro ku sugneyd goob uu dab ka kacay oo ku taalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Rasaaseynta dhalinyarada ayaa timid,ka dib markii ay dhagxaan ku tuureen gawaarida dam damiska Gobolka Banaadir oo tegay goobtii uu dab ka kacay,iyaga oo sheegay in ay soo daaheen,isla markaana aysan imaan xilligii loo baahnaa.