DAAWO:- Boqor Burhaan” Arrimaha katagan Jigjiga wan ka xunahay ,khiyanada itoobiya iska ilaaliya ”

0

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah Dhaqanka Puntland ayaa ka hadlay rabashadaha kasoo cusboonaday Magaaladda Jigjiga ee dowlad degaanka Somaalida Itoobiya ,kadib markii shalay Ciidamadda Itoobiya ay galeen halkaas.

Wuxuu sheegay in ad uga xunyihiin waxii shalay halkaas kadhacay,isago fariin u diray dowladda Itoobiya ,wuxuna sheegay in ay ad uga xunyihiin dulaanka an loo meel dayin ee lagu qaaday dhulka Somalida ay dagantahay.

Boqorka ayaa usoo jeediyaay dadka Somaliyeed inay isha ku hayaan degaanadooda ,isla markaana ay isku dubnaadan ,isago tibaaxay in shidaalka kujira dhulkaas somaalida ay leedahy saami aad u yar taas oo an xiligan macquul ahayn.