Maxaa ka cusub xaalada magaalada jig jiga?

0

Ciidamada Milatariga Dowlada Federalka Ethiopia ay saakay la wareegay Magaalada Jigjiga ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan madaxtooyada, xarunta baarlamanka iyo xarunta Telefishinka ESTV.

Dadka magaalada Jigjiga ayaa saakay ku waabariistay Gaadiidka gaashaaman iyo ciidamadan oo ku suggan dhamaan jidadka waaweyn ee magaalada.

Dad badan ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada oo u muuqata mid gashay jahawareer aan horey loo fileyn. Meelaha qaarna waxaa la soo sheegayaa in bililiqo ay ka dhacday.

Lama oga sababta ka dambaysay in ciidamada Federalka ay galaan Jigjiga, laakiin Jariidadda ka soo baxda Addis Ababa ee Addis Standard ayaa barteeda twitterka ku qortay in talaabadaasi ay dowladda Federalka Ethiopia u qaaday kaddib markii uu khilaf soo kala dhex galay madaxweyne Cabdi Cumar Maxamud iyo Madaxda Maamulka Federalka Ethiopia.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa ayaaha dhulka Soomaalida Ethiopia oo Baraha bulshada ka soo muuqday ayaa talaabada Ciidamaddu ay kula wareegeen Jigjiga ku tilmaamay “Afgambi”