Madaxweeyne Farmaajo oo Maanta u safraya Suudaan

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaaa inuu u ambabaxo isaga iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo dalka suudaan halkaasi oo kulamo uu kula yeelan doono dhigiisa dalka suudaan.

Safarka Madaxwynaha uu ku aadi doono dalka suudaan ayaa yimid Xilli Xaalada Siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika ay weji kale yeelatey.

Madaxweynaha dalka Sudan Jeneraal Cumar Xasan Al-bashir iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa yeelan doona kulan gaar ah oo looga hadli doono arrinta Eritrea, Somalia iyo Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa walaac xooggan ka muujisay in Dowladda Soomaaliya ay hor-boodo Ololaha lagu doonayo in cunaqabateynta looga qaado Eritrea.

Arinta Ereteria Iyo Soomaaliya ayaa siyaabo badan loo arkay kadib  markii la sheegay in xiriirka Labadan Dowaladood ay  Saameeyn taban ku leedahay dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.