DAAWO:- TOP NEWS Madaxweynaha DDSI oo ka hadlay Rabshadaha jig jiga

0

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisada ka taagan magaalada Jigjiga.

Ciidamada Federaalka Itoobiya oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman la wareegeen xarumaha muhiimka ah ee maamulka sida xarunta Baarlamaanka iyo Xarunta Telefishinka ESTV.

Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo la hadlay Telefishinka ESTV ayaa ugu baaqay shacabka iney is dejiyaan,wuxuuna tacsi u diray dadkii waxyeeladu kasoo gaartay xiisada ka taagan Jigjiga.