Akhriso:-In ka badan 20 rakaab ah oo ku dhintay dooni la degtay

0

In ka badan 20 rakaab ah oo ku dhintay dooni la degtay
Doonida rarka ayaa aad looga badiyay, waxay ku degtay waqooyiga dalka Nigeria, 21 ruux ayaana ku dhintay sida ay sheegtay wakaalada Wararka qaranka dalkaasi Nigeria.

Doonida waxaa saarnaa 50 rakaab ah, waxaana ay ka gudbeysay wabiga ku taala magaalada Ganndi oo gobolka Sokoto ka tirsan, sida uu sheegay Suleymaan Kariim oo ka tirsan Hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka ee dalka Nigeria.

“Kooxda badbaadada waxay heleen 17 haween ah iyo afar caruur ah oo doonida saarnaa, maadaama doonida oo culeeska aad looga badiyay ay ku degtay wabiga, iyadoo ay ugu wacan tahay hirka oo aad u xooganaa”ayuu yiri Suleymaan.

Wuxuu sheegay in 29 ruux ay nasiibkooda ku tageen dhanka jirjirka geeska kale ee wabiga.