DHAGEYSO:- TOP NEWS Musharax Qurbaawi” Khayre Gobalka Sanaag Waa inuu Tagaa”

0

Musharaxa Madaxweynaha Puntland Maxamed Cali Qurbaawi oo shir jaraa’id ku qabtay Dalka Maraykanka ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso qarixii xalay kadhacay Buhoodle,safarka RW khayre ee Puntland iyo Arrimo kale oo Xasaasi ah.

Qurbaawi ayaa marka ugu horeysa ka tacsiyadeyaay Masuuliyintii Qaraxa ismidaaminta ahaa lagu dilay Masuuliyin katirsana Maamulka khaatumo iyo siyaasiyin horey Dowladda dhexe uga soo shaqeyaay isago u tacsiyadeyaay eheladda dadkaas,wuxuna ku baaqay in baritaan deg deg ah la sameeyo.

Musharaxan ayaa dhinaca kale ka hadlay dhagax dhigii Garacad oo khilaaf xoogan kadhashay kadib markii uu tagi wayaay xafladda dhagax dhiga taas oo dadka Puntland ka caroodeen siyaabo kala duwana uga hadleen ,wuxu sheegay qurbaawi in uu soo dhaweynayo wixii hormar ah.

Dhinaca kale Wuxuu sheegay in Sanaag looga bahanyahay khayre inuu taggo haday sanaag Puntland katirsantahay,isagoo sheegay in shacabka Gobalka sanaag u diyaarsanyihiin soo dhaweynta Khayre.

Mudane Qurbaawi ayaa ka hadlay Arrimo baddan oo xaaladda Puntland ah oo ay kamid tahay dib u heshiisn loo sameeyo dadkii Puntland dhistay,Amaanka Puntland iyo Arrimo kale oo xasaasi ah ayuu ka hadlay