DHAGEYSO:- Jabuuti iyo Shirkadda DP Word oo khilaafkooda laga hadlay

0

Maxkamadda dhexdhexaadinta caalamiga ah ee London ayaa go’aan ka gaadhay dacwaddii u dhexaysay Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Shirkadda Dubai Ports World.

Maxkamadda ayaa xukuntay inuu shaqaynayo heshiiskii u dhexeeyay labada dhinac ee ay dawladda Jabuuti ka baxday lix bilood ka hor.

Dhinaca kale dowladda Jabuuti ayaa qaadacy go’aanka ka soo baxay Maxkamada London.

Maareeyaha Dekadaha Jabuuti Abubakar Cumar Xaddi ayaa sheegay in marnaba dacwadaas aysan xaq u laheyn in ay qaado Maxkamada Magalada London ee dalka Ingiriiska.