DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka hadlay Arrimaha Dastuurka

0

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii loo magacaabay xilkaas,waxaana uu sheegay in uu wax badan ka bedelay hanaanka maamulka dacwadaha Garsoorka.

Isaga oo Wareysi siiyey Warbaahinta ayaa Waxa uu sheegay in hanaanka dacwad qaadista uu haatan yahay qaab electronic ah isla markaana qof walba ama garsoore kasta uu Computerkiisa kala soconayo halka ay mareyso dacwadaha.

Waxa uu soo hadal qaaday caqabadaha dalka ka jira oo uu sheegay in hay’adaha kale ee dowladda la qabaan,isaga oo tusaalo u soo qaatay dhinaca amniga,waxa uuna sheegay in taasi ka gudbi doonaan,isla markaana ay la-dagaalami doonaan waxkasta oo dhibaato ku ah Shacabka Soomaaliyeed.