DAAWO:- Camey ” Alshabaab Waan ognahay Guryo & Masaajido ayeey Hargeysa kadaganyihiin”

0

Madaxweyne Kuxigeenka Puntand, Injineer Camay, oo ka jawaabaya tacsida Somaliland ee qaraxii lala beegsaday nin-doorka Buuhoodle, ayna ku dhinteen Cabdifataax ina Rodman iyo Axmed Maxamed Doolaal, ayaa yiri, “haddaaba adigu soo abaabushay sabab aad tacsi uga dirtaa ma taalo.” Camay ayaana si bareero ah qaraxa Buuhoodle ugu eedeeyey maamulka Somaliland.

Madaxweyne Camay ayaa yiri, “Al-Shabaab waxaa laga hagaa Hargeysa, waxaana ka warhaynaa in ay magaalada dhexdeeda joogaan, masaajido leeyihiin, meelo badan oo kalena ay xarumo ku leeyihiin. Wax badan baan qayliney laakiin dowladda Soomaaliyeed iyo umadda Soomaaliyeed hawshaas marnaba si dhab oo xaqiiqa ah ugama ay hadlin.”