TOP NEWS:- Khilaafkii Madaxtooyada Garoowe ka tagnaa ee Golaha Wasiirada oo la xaliyey

0

Magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland shir ay isaga horyimaadeen xubno kamid ah golaha wasiirada Soomaaliya,Raysal wasaaraha iyo Madaxda Puntland oo Fiidnimadii hore Khilaaf ka taagnaa ayaa laysku raacay qaar kamid ah Qodobada.

Kulankii ka dhacay Xarunta madaxtooyada Puntland ee ay wadda qateen labo qaybood ee wasaarada Puntland iyo Soomaaliya Raysal wasaaraha iyo madaxweyne Gaas iyo Camay ayaa laysku raacay in shirka golaha wasiirada dawlada Soomaaliya uu todobaadkan ka dhaco magaalada Garowe Caasumada Dawlada Puntland.

Wararkii ugu danbeeyey kulanka ayaa sheegaya in labadda Golle ee wasiirada Soomaaliya iyo Puntland si dhab ah uga wadda hadalayaan xaalada dalka iyo Khilaafka markale kasoo dhex baxay Puntland iyo Dawlada Dhexe ee Soomaaliya Amniga iyo Qaabka loo yarayn karo Khilaafyadda dawlada dhexe Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Dalka.

Khilaafkii Puntland iyo Dawlada Dhexe ayaa u gudbay golaha iskaashiga Maamul goboleedyada dalka kuwaasoo khadka Taleefoonka kulan ku yeeshay sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ka Agdhow Xafiiska gudoomiyaha iskaashiga maamul goboleedyada dalka Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas.

Dhankale Xarunta madaxtooyada Puntland ayaa Baajisay Xaflada 1Augus ee Aas Aaskii Puntland Xafladii loogu qaban lahaa madaxtooyada wararka kasoo baxaya Madaxtooyada ayaa sheegaya in dib loo dhigay kadib Ciladdo Farsamo oo yimid waxaana sidoo kale ay Beenisay inaysan Khilaafka dawlada Dhexe iyo Xaflada wax saamayn ah isku lahayn.