DHAGEYSO:-Madaxweyne shariif xasan oo ka digay in la carqaladeeyo doorashada Baydhabo

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa durba bilaabay ololaha uu ugu jiro ku soo laabashada kursiga hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Bisha November ee dhammaadka sanadkan ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo ay ku tartami doonaan musharaxiin badan.

Shariif Xasan oo arrimaha doorashada si faah faahsan uga hadlay ayaa sheegay in laftirkiisa uu sanadkan yahay musharax markale u tartamaya hoggaanka Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo cid walba oo u tartameysa kursiga, balse waxa uu u digay siyaasiyiin uu sheegay in laga yaabo carqalad inay ku sameeyaan doorashada Koonfur Galbeed.