Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidanka Jubbaland ka sameeyeen tuulooyin u dhaw degmada Jamaame.
Saraakiishan ayaa sheegay in ay saldhigyo badan oo tuulooyinkaasi ku yaallay ay burburiyeen ciidamada Jubbaland sidoo kalena ay dileen rag ka tirsanaa Al-Shabaab.
Cali Koosaar oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jubbaland ee howlgalkan hogaaminayay ayaa sheegay in Al-Shabaabkii ku sugnaa tuulooyinkii ay howlgalada ka sameeyeen ay qaarkood dileen.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamada Jubbaland ay diyaar u yihiin in ay sii laba jibaaraan hawlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilawday Jubbaland.
Korneel Cali ayaa ugu baaqay shacabka Jubbaland iney la shaqeeyaan ciidamada si loogu guuleysto amniga guud ee Jubbaland.