TOPNEWS:-AMISOM oo kordhisay howgalkeeda Soomaaliya

0

Howgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa waxa ay Shaaciyeen in ay Bilaabi doonaan Howgal isbalaarin ah oo ay ka Sameeynayaan Koofurta Iyo Bartamaha Soomaaliya iyo Howgalkani uu ka socda.

Sida lagu Sheegay War ka soo baxay AMISOM waxaa la furi doonaa 20 Saldhig kuwaa oo lagu dardar galino la dagaalanka Al-shabaab.

Dhismaha Saldhigyada waxaa lagu Gorfeeyay Kulanka Ciidan oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay, waxaana Is araggaa ka qeeybgalay Xubno ka socday,Uk, Mareeyka, Midawga Afrika Iyo Hayado ka Shaqeeya Arimaha amaanka, oo intooda badan la dhisay Saldhigyada Milatari.

“Ka AMISOM Ahaan waxaan isu diyaarineeynaa sidii Ciidamada Soomaaliya aan ugu wareejin laheyn amaanka, Shirkanna waxa uu ku saabsanyahay Sidii aan udhisi laheeyn 20 Saldhig oo ay isticmaali doonaan Ciidamada AMISOM, waxa aanna ku dardar galin doonna arimaha  amaanka” Sidaa waxa Sheegay Col Yinki Owolola oo katirsan AMISOM.

Howgalka Nabad ilaalinta AMISOM ayaa Soomaaliya waxa uu ka soconayaa mudoo 10-sano ka badan, iyada oo dad aan tiro yareeyn oo Arimaha Soomaaliya Falanqeeyana ay Sheegaan in Howgalkannu uusan wali gaarin mira dhalkiisa.