TOP NEWS:- Madaxweyne Gaas oo Shuruud ku xiray Wadahadal ay ka galaan dagaalka Tukaraq

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shuruud ku xiray wadahadL ay ka galaan dagaalka Tukaraq inta ay ciidamo Somaliland ah gacanta ku hayaan deegaano ay talin jirtay Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in illaa hadda sababta ay wadahadal u diideen ay tahay in Somaliland ka saaraan dhulka ay ka haysato sida uu sheegay.

….” Waad ogtahay nimanka marba marka ka dambeysa deegaanadeena ayay ku soo duuleen, wada hadal ma imaanaya inta dhul Puntland ay leedahay heysato Somaliland, dhulka waa inay ka baxaan, kaddib ayaan wada hadal geli karnaa…”ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Waxaa lagu guuldaraystay dadaalo lagu qabookinayay colaada ka taagan deegaanka Tukaraq,waxaa jiray baaqyo kasoo baxayay dowladda Federaalka,culumaa’udiinka,qeybaha bulshada dhaqanka iyo Beesha Caalamka oo ahaa in dagaalka la joojiyo.

Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ayaa weli isku hor-fadhiya qeybo ka mid ah aagga Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasoo Ciidamo ka tirsan Somaliland la wareegeen horaantii sanadkan.