Shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo lagu qabanayo Puntland

0

Magaalada Garowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa waxaa ka socda Munaasibad lagu soo dhawaynayo dhamaan xubnaha golaha wasiirada dawlada federalka Soomaaliya kuwaasoo ku wajahan Caasumada Puntland ee Garowe.

Khamiista soo socota ayaa magaalada Garowe waxaa ka dhacaya kulan dhexmaraya Golayaasha wasiirada ee Puntland iyo Soomaaliya kuwaasoo dhamaan looga dhagaysan doono Khudbado ku Aadan halka ay wax marayaan.

Wasiiradda wasaaradaha kaladuwan ee Puntland ayaa diyaarinaya warbixino ay ka horjeedin doonaan xubnaha golaha wasiirada ee dawlada federalka Soomaaliya kuwaasoo kala qayb galaya kulankooda Khamiista soo socota.

Shirka Golayaasha wasiirada ee Soomaaliya iyo Puntland waxaa Shir gudoomin doonaa Raysal wasaaraha dawlada federalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre.