Shacab Careysan oo dhigay Banaanbax ay kaga soo horjeedaan madaxweynaha Dowlad deegaanka soomaalida itoobiya

0

Shacab badan oo careysan ayaa xalay fiidkii waxa ay Banaanbax oo ay uga soo horjeedeen Madaxweynaha dowlad degaanka Soomalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ka dhigeen magaalada Raaso ee dowlad degaankaasi.
Dadkan banaanbaxayay ayaa si weyn uga soo horjeeday hanaanka Madaxweynaha uu u wado isbedelo uu ku sameynayo degaano ka mid ah dhulka ay degan yihiin Soomaalida.

Dadkan ayaa la sheegay inay jabiyeen xafiisyo Raaso ay ku leeyihiin ismaamulka Soomaalida, waxaana ciidanka Booliska ay ku fureen rasaas, taasi oo keentay in laba ruux oo ka mid ahaa dadkii banaanbaxa dhigayay ay ku dhaawacmeen.

Shacabka Banaanbaxa dhigay ayaa waxa ay ka caroodeen degmooyin cusub oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Ismamulka iyo in aanay helin saamigii ay ku lahaayeen maamulka.

Odayaasha Raaso ayaa sheegay in aysan marnaba qeyb ka aheyn duulaanka dadka Oromada ah ee ka socda dhulkaasi, waxayna sheegeen in arintan looga baahan yahay in Madaxweynaha uu talaabooyin qaado.

Dadkan ayaa la sheegay in maanta ay suuragal tahay in Mudaaharaadyadooda ay dib u bilaabaan, si ay muujiyaan dareenkooda ku aadan waxyaabaha ay ka cabanayaan, hadii Madaxweyne Cabdi Maxamuud uusan isbedel ku sameyn degmooyinka cusub ee uu magacaabay.