SAWIRRO:-Taliyaha Ciidanka Booliska oo tababar u furay Ciidan laga keenay magaaladda Baydhabo

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas  Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” , ayaa magaaladda Muqdisho tababar uga furay Askar ka tirsan Ciidanka Booliska, kuwaasi oo laga keenay magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidankaasi, ayaa waxaa tababarka ay ku baran doonaan Shaqada Baando Music, Qoraalka iyo garaacista Astaanta Qaranka, waxaana tababarkaani bixin doono Saraakiil ka tirsan Kooxda Baando Music ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas  Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, ayaa kula dardaarmay Ciidanka tababarka loo furay inay ka faa’iideystaan casharada kala duwan ee la barayo, isaggoo Macalimiinta faray in si hagar la’aan ah ay ugu faa’iideeyaan Ciidankaasi.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Xoogga saaraya siddii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo Xirfadda qeybaha kala duwan ee Ciidanka, waxaana siddaan oo kale tababaro kala duwan horay loogu furay Saraakiil iyo Saraakiil xiggeeno.